wasiirka ku xigeenka wasaaradda caafimaad iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda fedaraalka  Soomaaliya, mudane  Xildhibaan Maxamed Xassan Bullaale oo uu wehlinayo Danjiraha dowladda Soomaaliya u jooga dalka  Hindiya mudane Axmed Cali Daahir  ayaa Maantay kaga qayb galay  magaalada Gandhinagar ee gobolka  Gujarat  kulanka G20 ee halku dhigiisu yahay  “One Earth One Health.

wasiirka ayaa madaxda dalalka Afrika  iyo kuwa kale ee caalamka  u jeediyay khudbad uu kula wadaagay xaaladda, caafimaadka dalka soomaaliya iyo qaybabaha la iska kaashan karo si bulshooyinka wadamada guud ahaan u helaan caafimaad haqab-tiran iyaga oo aan waajihin culayo dhaqaale.

Wasiir ku Xigeenka iyo wafdigiisa  ayaa sidoo kale  ka qayb galay daahfurka shir waynaha, WHO Global Summit on Traditional Medicine iyo dhacdooyin kale oo garab socoday kulanka.

shirwaynaha  ayaa waxaa ka qayb-galaya madax iyo wufuud ka kala socota ilaa 70 waddan oo caalamka ah iyo hayado caalami ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda caafimaadka adduunka Dr. Tedros ayaa kamid ah madaxda goob joogga ka ah shirwaynaha, isaga oo ka jeediyay khudbad taabanaysay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga waddamada si sare loogu qaado badqabka bulshooyinka caalamka.

Wafdiga uu Hoggaaminayo wasiirka ku xigeenka wasaaradda caafimaad iyo daryeelka bulshada  Mudane Xildhibaan Maxamed Xassan Bullaale ayaa dalka Hindiya ku joogi doona booqasho rasmi ah oo 3 maalin qaadan doonta.